Go’aanka USA Ee WHO Somalia Ma Sameyn Doonaa

Health

Dhowaan ayaa Maamulka Washington waxey shaaca ka qaadeen iney joojiyeen Dhaqaalihii ay Dowlada Iyo Shirkadaha Mareykanka siin jireen Hey’adda Caafimaadka Aduunka ee (WHO)…

Mr.Trump ayaa ku eedeeyay Hogaanka WHO oo u dhashay Dalka Ethiopia inuu u Eexday Dalka China marka ay timaado dagaalka lagula jiro Cudurka Caabuqa ee Covina-19, waxaana lagu tilmaamaa Mareykanka iney dhaqaale kor u dhaafaya 500-millions USA$ ku kabaan Hey’adda.

Qoraal ka soo baxay Hey’adda WHO ayaa lagu dhaleeceeyay Go’aanka Mr.Trump, Waxaa Sidoo kale Cambaareeyay Mr.Bill Gates Oo ah Hantiile Dhaqaale badan ku taageera daraasada iyo farsameynta Talaalada Ee khubarada WHO, Madaxda dalalka Caalamka ayaa ka digay in aan la siyaasadeyn Dagaalka Cudurka Coronavirus.

Bayaanka WHO ayaa lagu qiray inuu saameyn doono Go’aanka Washington ee Dadaalada Hey’adda ka wado Dalalka Aduunka ee ka hortaga Cudurka caabuqa gaar ahaan ku soo koraaya oo kaalmada u baahan.

Khubarada ayaa aaminsan dalalka soo koraaya ay dareemi doonaan Farsameynta talaalada iyo daaweynta daawada Xanuunka Coronavirus iyo sheybaarada lagu baaro cudurka oo inta badan dalalkaasi aysan heysan.

Somalia Oo ka mid ah dalalkaasi oo dhowaan loogu deeqay Sheybaar lagu baaro Cudurka, isla markaasna lagu waday in loo tababaro shaqaale ka howlgala sheybaarkaasi, ayaa saameyn ku yeelan doonta, iyadoo Dowlada aysan awood Dhaqaale u heynin hirgelinta barnaamijka lagula dagaalaayo Cudurka Coronavirus.

28190cookie-checkGo’aanka USA Ee WHO Somalia Ma Sameyn Doonaa