Eedeysane Dil Ka Geystay Degaanka Guricel Oo Gacanta lagu soo Dhigay…

Somalia news

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Howlgal ay Xoogaga Amaanka Degaanka Guricel ku soo qabteen Eeddysane Dil ugu geystay Degaankaasi (Marxuum) Wiil Dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Libaan Aadan Ibraahim, talaadadii 25 bishan June..

Wararka ayaa sheegaya in Eedeysane Maxamed Cismaan Cabdiraxmaan oo ka baxsaday goobtii uu dilka ku geystay, isla markaasna xaalad kacsanaan ah gashay magaalada kafib markii ay Ehelada Marxuumka ku adkeysteen in deg deg loo soo qabto Maxkamadna la soo taago Dhagarqabaha, Qabashadaan ayaa la sheegay iney dejisay Xiisadaha laba Jufo oo ku wada Degaanka Guricel ee Gobolka Galguduud.

Gudoomiyaha degmada Guriceel, Faarax Cabdi Macalin, ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in eedeysanahaasi uu soo galay gacanta laamaha amniga, wuxuuna intaasi raaciyay in Baarista kadib Maxkamad la soo taagi doono Gacan ku dhiiglaha, Isagoo ugu baaqay Dadka Degaanka iney is dejiyaan.

333950cookie-checkEedeysane Dil Ka Geystay Degaanka Guricel Oo Gacanta lagu soo Dhigay…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *