Shaqaale hore ee Al-Jaziira una Xuubsiibtay Horjooge Ka Tirsan Shababka oo Duqeyn Lagu Dilay..

Somalia news

Sida ay xaqiijiyeen ilo Amaan oo loo qaateen ah 2-Horjooge ka tirsan kooxda argagixisada Shabaabka ayaa duqeymo Drone lagu dilay habeenkii 31-ka December soona galeyso 1-da Janaayo ee sanadka cusub, ayaa (Drones-ka) gantaal ku garaacay Degaan la yiraahdo Buula-Fuulay oo ka tirsan Gobolka Bay.

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Duqeynta lagu dilay labo Horjooge oo ka tirsan kooxda Argagixisada Shabaaka kuwaasoo isla goobta ku naf waayay, Ilaa hada lama shaacinin khasaara soo gaarey dadka rayidka ah, waxaase faahfaahin ka soo baxayaan Shaqaale hore Talefishanka Al-Jaziira u shaqeyn jiray la dilay.

Waa Kuma Horjoogaha/Ex Wariye Lagu Dilay Duqeynta!?

Horjogahaan oo magaciisa lagu sheegay Cabdullahi Cismaan, wuxuu ka soo jeeday Beesha Abgaal, wuxuu u qaabilsan qeybta qaraxyada, kaasoo muddo la soo shaqeyay Warbaahinta caalamiga ah ee Al Jazeera er Dalka Qatar, halka Horjooge Maxamed Aaden uu isna ka doo jeeday Beesha Xawaadle, wuxuuna u uxil sarnaa arimaha amniga quseeyo ee xarakada.

Dad badan ayaa aaminsan in wasaarada Difaaca iyo Hey’adda Sirdoonka Mareykanka CIA-da ay ka dambeeyen duqeymaha oo ka dhacay dalka, halka Ilo kale ay farta ku fiiqeen Sirdoonka Turkiga ay ku lug leeyihiin duqeymaha farabadan oo Dalka ka dhacayay sanooyinkii ugu dambeyay inkastoo aysan cidna sheegin mas’uuliyadooda.

298280cookie-checkShaqaale hore ee Al-Jaziira una Xuubsiibtay Horjooge Ka Tirsan Shababka oo Duqeyn Lagu Dilay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com