Madaxda Maamulada Gobolada Oo Ku Kulmaaya Baydhabo

Somalia news

Waxaa lagu wadaa in Magaalada Baydhabo Gobolka Bay Maanta Wada gaaraan Madaxda Maamulada Gobolada, iyagoo kaga qeyb geli doona daba-degga 3 sanno-guuradii kasoo wareegtay doorashadii Madaxweyne Laftagareen, Oo Sida la ogyahay Dhiig loo Daadiyay…

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Warsidaha Diinah.com news, in Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland ay tegi doonaan Baydhabo, oo uu ka qabsoomayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaasoo looga hadlayo dardargelinta doorashooyinka, iyo sixida qaladaadka jira ee cabashada lagu keenay.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa shalay galab gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay, wuxuuna uga mahadceliyey bulshada Koonfur Galbeed soo dhaweynta diiran ee loo sameeyey isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo.

156710cookie-checkMadaxda Maamulada Gobolada Oo Ku Kulmaaya Baydhabo