Eedeysane Fahad Yasin Oo Lagu Qabtay Djibouti

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay fuliyeen Ciidamada Amaanka Djibouti Saakay garoonka diyaaradaha magaalada Djibouti, iyadoo gacanta ku dhigay Eedeysane Fahad Yasin oo lagu Eedeeyay inuu ka dambeeyay afduubkii iyo dilkii Sarkaaladii NISA Ikraan Tahliil..

Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Jabuuti ayaa Warsidaha Diinah.com usheegay in Fahad Yaasiin oo ay la socdaan ilaa 40 qof ay la imaadeen diyaaradda Turkish Airlines iyagoo u socday Muqdishu, hase yeeshee ay diyaaraddu heshay amar ah inaysan rakaabkaasi iman karin Muqdishu.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Amaanka Djibouti oo diidya in magaciisa la sheego sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo warbaahinta ayaa sheegay in haddii Fahad iyo kooxda la socda u safri karin Muqdish, iyagana aysan ku celin doonin halkii uu asal ahaan safarkiisu kasoo bilowdya oo ah magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Madaxtooyada Villa Somalia ayaa xaqiijisay Qabashada Fahad Yasin oo ka eeg Qoraalka:-

141310cookie-checkEedeysane Fahad Yasin Oo Lagu Qabtay Djibouti