Duulimaadkii Turkish Airlines Oo Lagu Hakiyay Djibouti

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa hakad deg deg ah oo ku yimid Duulimaadyada Turkish airlines oo lagu waday iney maanta ka soo degto Magaalada Mogadishu, iyadoo aan la sheegin sababta loogu hakiyay garoonka diyaaradaha Magaalada Djibouti..

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in Hakinta Duulimaadka Djibouti-Mogadishu ay ka soo baxaayaan Warar kala duwan iyo sababta, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan inuu la socday Agaasimihii Hore NISA Eedeysane Fahad Yasin kaasoo ka soo raacay diyaarada Magaalada Istanbul, inkastoo Warar kale ay sheegayaan inuu Eedeysanaha qorsheynaayo inuu soo raaco Duulimaadyada Qatar Airways Istanbul-Dooxa-Mogadishu.

Howlwadeenada Diyaarada Turkish Airlines Ayaan weli ka hadlin sababta loo hakiyay duulimaadka, iyadoo aysan muuqan cilado farsamo oo xagga diyaarada ah, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Cabsi xoogan ay soo food saartay Amaanka Caasimadda oo laga cabsi qabo inuu fara ka baxo.

141250cookie-checkDuulimaadkii Turkish Airlines Oo Lagu Hakiyay Djibouti