Villa Somalia Degtay Qorshe Qarsoon Oo Maamul Cusub Galmudug Loogu Dhisaayo Walaacna laga Muujiyay..

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa muujinaaya in Villa Somalia iyoo Hogaanka NISA ay dejiyeen qorshe qarsoon oo Hogaan cusub loogu dhisaayo Dowlad Goboleedka Galmudug, Waxaana la sheegay in Tiro badan oo Xoogaga NISA iyo Gaadiid dagaal ayaa loo diray Magaalada Dhuusa mareeb..

Xogtaan ayaa xaqiijisay Hogaanka NISA ayaa u diray Magaalada Dhuusa mareeb 18 ka mid ah gaadiidka NISA iyo 190 askari waxeyna ka ambabaxeen magaalada Muqdisho, ku darsoo waxaa garoonka diyaaradaha ee Dhuusa mareeb ka soo degay gadiid aan xabadu karin oo ay leedahay NISA, Iyadoo lagu wado in Madaxweynaha Somalia inuu gaaro degaankaasi ku sugnaando muddo 2-3 Bilood ah.

Ilo xog ogaal ah oo arrintan u dhuun daloola ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ay si firfircoon uga socoto qorista ciidamo cusub oo laga keenayo gobollo kala duwan, iyadoo Hay’adda Sirdoonka ay hormuud ka tahay dadaallada lagu doonayo in lagu bedelo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qorqor, kaasoo lagu eedeeyay inuu hagardaamo ku hayo Halganka Xoreynta degaanada Galmudug.

Khubarada u dhuun daliila ayaa ka baqaya in joogitaanka Madaxweynaha ee Gobolka ay qeyb ka noqoto qorshe ballaaran oo lagu doonayo in lagu xoojiyo awoodda iyo saameynta Kooxda Damu jadiid ee degaanada Galmudug dhexdeeda, talabaadaan cusub ayaa imaaneysa iyadoo warar hoose oo laga helayo Villa Somalia ay sheegayaan inuu jiro qorshe qarsoodi ah oo Dowladda Federaalka ay ku dooneyso in Hogaanka Galmudug loo doorto Mahad Salaad oo ka mid ah Kaadiriinta Demu jadiid.

268500cookie-checkVilla Somalia Degtay Qorshe Qarsoon Oo Maamul Cusub Galmudug Loogu Dhisaayo Walaacna laga Muujiyay..