Egypt oo Bisha July Duulimaadyo toos ah ka bilaabaysa Magaalada Muqdisho…

Africa News Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qorshe muddo soo jiitamaayay oo ay Shirkadda EgyptAir soo waday kaasoo salka ku haya sidii ay Duulimaadyo toos uga bilaabi laheyd Mogadishu-Qaahira, iyadoo talabaadani lagu tilmaamay mid sare u qaadeysa xiriirka iskaashiga iyo Ganacsiga ee u dhaxeeya Egypt iyo Somalia…

Wararka ayaa sheegaya in war saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Masar oo lagu shaaciyay in Bisha soo socota ee 11-July la bilaabi doono Duulimaadyada Somalia, iyadoo fursadaan ay noqon doonto mid ay ka faa’ideysan doonaan Shacabka iyo Ganacsatada labadda Dal, Dowlada Masar ayaa sheegtay inay aad u danaynaysa in ay billowdo duulimaadyada tooska ah ee ka imaanaya Qaahira ilaa Muqdisho.

Shirkadda diyaaradaha EgyptAir ee dalka Masar ayaa jadwalkeeda hordhaca ah lagu qorsheeyay iney todobaadkii labo jeer duulimaadyo ku gaarto Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), Axmed Macallin Xasan ayaa mar sii horraysay kusoo dhoweeyay magaalada Muqdisho wafdi ka socda Hay’adda Duulista Rayidka Dalka Masar iyo shirkadda diyaaradaha ee Egypt Air.

330660cookie-checkEgypt oo Bisha July Duulimaadyo toos ah ka bilaabaysa Magaalada Muqdisho…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *