Maxaa Dib u Soo Nooleeyay Kooxaha Hubeysan ee Burcad-Badeedka Dhalinyarada Dalka Somalia..

Somalia news

Macluumaad xasaasi ah ayaa daaha ka rogaaya in dib u soo noqoshada Dhalinyarada Soomaaliyeed iney dib ugu laabtaan Howlaha sharci darrada ah ee Burcad badeedka ay sabab u yihiin Dhowr arrimood oo is biirsaday, ayna ugu horeeyaan in Degaanada Xeebaha ee Waqooyiga iyo Waqooyi bari ee Dalka ay Dagaalo beeleedyo ka socdaan…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Xoogagii Xeebaha ilaalada ka ahaa Degaanada kor ku xusayay Maamulada Somaliland iyo Puntland ay u wareejiyeen Dagaalada Gobolka Sool iyo Muranka doorashada ee ka taagan magaalada Garoowe, iyadoo Todobaadyadii ugu dambeeyay ay dib u bilaawdeen Dhalinyaradaan iney is abaabulaan, iyadoo ilo wareedyo ay sheegeen in Sirdoonka Iran uu dhaqaale ku bixinaayo dib u soo nooleynta Kooxaga Burcada Badda.

17-29-kii December ayaa laba Afduub k dhaceen Degaanada Eyl iyo Qandala ee Maamulka Puntland, iyadoo xarunta Pentagon-ka ay xaqiijiyeen ilaa 5-Dhalinyaro ka soo jeeda Degaanada Puntland la qabtay kadib markii ay afduubteen Markanka Xamuulka ee Central Park, waxaana lagu hayaa Markabka Dagaalka ee USA ee Mason, dhawaana loo gudbin doono Xabsi ku yaal USA si loo Maxkamadeeyo.

Falanqeeyayaasha Arrimaha burcad badeedka ayaa ku sababeeyay dib u soo noolashaha Kooxadaan ay in Xoogagii ilaalada Xeebaha ee Puntland iyo Somaliland ay u weeciyeen dagaalka Gobolka Sool iyo Maamulka Puntland uu u isticmaalay Arrimaha khilaafka Siyaasada iyo doorashada, ku darsoo mid ka mid kooxihii Burcad badeedka (Ayuub) oo si weyn ay Maamulka Deni u soo dhaweeyeen una buunbuuniyay imaanshihiisa Degaanka.

290350cookie-checkMaxaa Dib u Soo Nooleeyay Kooxaha Hubeysan ee Burcad-Badeedka Dhalinyarada Dalka Somalia..