Dagaal Khasaare Geystay Oo ka Dhacay Degaanka Burco-yar ee Gobolka Sanaag..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaano hoos taga Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dagaal uu ku dhex maray 2-Kooxood oo isku heysta dahab laga helay buur ku taalla Degaanka, Dirirtaan ayaa geystay khasaare u badan dhaawacyo kala heer ah oo labada dhinac soo kala gaaray..

Wararka ayaa sheegaya in shalay uu dagaalkii ugu dambeeyay ee dhexmara labada dhinac halkaasi ka dhacay, balse markii dambe ayuu dagaalka joogsaday kadib markii uu bilowday roob halkaas ka da’ay, Ilaa lix qof ayaa ku dhaawacmay dagaalkaasi oo socday laba maalmood, Balse dagaal isla dhacdadaan ka bilowday oo dhacay bishii Ramadanka ayaa waxaa ku geeriyooday mid ka mid ah Dadka Degaanka.

Muxuu salka ku hayaa dagaalkaan?

Deegano dhawr ah oo ku yaalla gobolka Sanaag ayaa waxay muddo ahaayeen kuwa laga qodo macdan uu ka mid yahay dahabku, inkastoo aysan jirin Dowlad ama Nidaam Haga Shaqada ay qabtaan, Goobtaan buuraley ah oo ku taalla Degaan lagu mahacaabo Burco-yar oo u dhaxeysa magaalooyinka Xiis iyo Maydh, ayaa waxa ay dadka degan qaar ka mid ahi ay sheegeen in Kooxahaani Dahabka qoda qaarkood ay baaritaan ay sameeyeen kadib ay Degaanka ka heleen macdanta dahabka.

Degaanka Burco-yar:-

Waa degaan qiyaastii 170-KM u jirtaa magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, waana degaan dhul buuraleey ah una dhow Magaalada Xiis, waxaana sii dhexmara wadda ka baxda magaalada Maydh, Degaanka ayaa ahaa mid amaan ahaan aad u dagan oo aysan kajirin saansaan coladeed ka hor inta aan laga helin macdaantaan ay isku khilaafeen labada dhinac ee dagaalamay.

Deganada kake ee ku yaalla buuraleyda Gobolka Sanasg oo ay ka mid tahay Degaanko Milxo, ayaa inta badan waxaa laga qodaa macdan ay la baxaan Dadka Degaanka, kuwaasoo ay ka sii iibsadaan Shirkado dhoofiya macdanta, ku darsoo waxaa saameyntooda ka marneyn Kooxaha Argagixisada oo Baad dhaqaale ka qaata Dadka qodista ka xoogsada.

322530cookie-checkDagaal Khasaare Geystay Oo ka Dhacay Degaanka Burco-yar ee Gobolka Sanaag..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *