Egypt Oo Qoraal Digniin ah u Dirtay Golaha Amaanka ee QM kuna Aadan Biyo-xireenka…

Africa News Security

Xukuumada Qaahira ayaa Qoraal adag oo digniin xambaarsan u dirtay Golaha Amaanka ee QM, iyadoo sheegtay in Dal ahaan ay xaq u leedahay talaabo ay ku qaadi karto Weeraro lagama maarmaanka u ah xaqiijinta bedqabka biyaheeda, sababo la xiriira biyo xireenka ay Ethiopia ka dhistay wabiga Niil…

Qoraalka uu ku saxiixnaa Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Masar Dr. Badr Abdelatty, ayaa ku xusay warqadaasi loo qoray Gudoomiyaha Golaha Amaanka Axadii in Masar aysan si buuxda u aqbalin “Siyaasaddeeda Go’doominta” ee Biyaxireenka, Sida ku xusan waraaqda, 26 August ayaa Ra’iisul wasaaraha Ethiopia wuxuu shaaca ka qaaday “buuxinta 1aad ee heerka 5aad” ee biyoxireenka, iyo hawlgalinta marwaxadaha waaweyn ee 3aad iyo 4aad.

Talaabadaani dambe ayaa Masar ka careysiisay, waxayna ku tilmaameen talaabo sharci darro ah oo Itoobiya ay iskeed u qaadday, Dowladda Masar waxay qoraalka ku xustay in Masar ay “gabi ahaanba ku tiirsan tahay biyaha wabiga Niil”, waxayna ku tilmaantay buuxinta Ethiopia ee biyo xireenka inay taabanayso jiritaankeeda.

341960cookie-checkEgypt Oo Qoraal Digniin ah u Dirtay Golaha Amaanka ee QM kuna Aadan Biyo-xireenka…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *