Cilad Farsamo Awgeed oo Dib Nairobi loogu soo Celiyay Duulimaad ay Diyaarada Kenya Airways Ugu Socotay Dubai..

Africa News

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa cilad farsamo oo ku timid Diyaarad ay leedahay Kenya Airways oo ku sii jeeday magaalada Dubai ayaa lagu qasbay inay dib ugu laabato garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, Diyaarada oo ay la socdeen 133-Rakaab ah ayaa dib u soo laabatay kadib markii Maamulka Hawada ay arkeen burbur taayir ah oo yaala dhabada ay diyaaradaha ka kacaan…

Qoraal ay soo saartay Kenya Airways ayeey waxay ku sheegeen, “15kii Decembar 2023 saacadu markay ahayd 21:20 HRS, JKIA Control Traffic Control waxay la kulantay burbur Taayir ah intii lagu jiray kormeerka joogtada ah Markii aan kormeer dheeraad ah ku samaynay kooxda hawl-gallada ee KQ waxa ay caddeeyeen in burburka taayirka uu ka yimid KQ 310, Diyaaradaan oo duulimaadkeedu ahaa Nairobi-Dubai.

Waxey intaasi raaciyeen in Kooxda hawlgallada ee KQ waxay la xiriireen Duuliyaha Doyaarada waxayna ku heshiiyeen in si taxaddar leh diyaarada loogu soo celiyo Nairobi si loo helo feejignaan farsamo oo dheeraad ah, Duuliyaha iyo Kaaliyihiisa waxay raaceen habraacyada badbaadada ee taxaddarka leh iyagoo la tashaday xakamaynta hawlgallada waxayna ku noqdeen Nairobi si nabad ah, iyagoo soo degay 23:46 HRS iyadoo aan wax shil ah dhicin.”

293880cookie-checkCilad Farsamo Awgeed oo Dib Nairobi loogu soo Celiyay Duulimaad ay Diyaarada Kenya Airways Ugu Socotay Dubai..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com