Erdogan oo Horaanta sanadka cusub ee 2025 Safar ku Imaanaya Somalia & Ethiopia..

Africa News Somalia news

Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa soo Safar ku imaan doona Dalalka Somalia iyo Ethiopia horraanta sanadka soo socda ka dib markii uu dhex dhexaadiyay heshiis lagu soo afjaray xiisaddii qaraarneyd ee labada dal u dhaxeeysay sida uu ku yiri qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa X..

Safarka Mr.Erdogan ayaa salka ku sidii loo xoojin lahaa Heshiiska u dhex dhigay Ethiopia & Somalia, kuwaasoi soo af jaray khilaafkii u dhexeeyay muddo sannad ku dhow ka dib wadahadalo saacado qaatay oo uu dhexdhexaadinayey Erdogan oo ku tilmaamay heshiiska labada dal mid taariikhi ah.

Dowladda Turkiga ayaa dhex dhexaadinta labadaan Dowladood waxa ay soo bilowday bishii Luulyo, waxaa dhacay labo wareeg oo hore oo wadahadal ah, ka hor intaan lagu guuleysan todobaadkii hore wada hadalada la isku hor fadhiisiyay Madaxweynaha Somalia iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, taasoo amaan ka heshay Midowga Afrika, Washington iyo Brussels.

353340cookie-checkErdogan oo Horaanta sanadka cusub ee 2025 Safar ku Imaanaya Somalia & Ethiopia..