UAE Oo Shuruudo Cusub Ku Xiray Dadka Socotada ah

Somalia news World

Shirkadda Duulimaadyada diyaaradaha Ee Emirates ayaa soo saaray Qoraal ay ku faafaahisay iney soo rogtay shuruudo hor leh Rakaabka galaaya Dalkaasi ama transit-ka ku ah, Dalal ay Somalia ka mid tahay sida uu qoray Wargeyska Khaliij times….

Wargeyska ayaa qoray in Liiska Dalalka hoists ku xusan lagu soo rogay Shuruudo cusub Ee Covid-19 PCR test waxeyna kala yihiin:-

Algeria, Armenia, Australia, Austria, Azerbaijan, Bahrain, Belgium, Bosnia & Herzegovina, Brazil, Brunei, Bulgaria, Canada, China, Denmark, Estonia, Finland, France, Germany, Hong Kong, Iceland, Indonesia, Ireland, Italy, Japan, Kazakhstan, Kirgizstan, Kuwait, Latvia, Lithuania, Luxembourg, Macedonia, Malaysia, Maldives Islands, Mauritius, Netherlands, New Zealand, Nigeria, Norway, Oman, Poland, Portugal, Saudi Arabia, Serbia, Seychelles, Singapore, Somalia, South Africa, South Korea, Spain, Sweden, Switzerland, Taiwan, Thailand, Turkey, United Kingdom, United States (New York, Washington DC, Boston, Chicago, Seattle).

https://m.khaleejtimes.com/coronavirus-pandemic/emirates-announces-new-covid-19-pcr-test-requirements-for-dubai

Waxaa Socotada dalalkaasi lagu soo rogay iney ka hor ku soo gudbiyaan ineysan la nooleyn Cudurka COVID-19 Shahaadada caddeyneysa ka hor inta uusan bilaaban safarkooda, hadii ay fursadaasi seegto waxaa ku waajib noqonaaya in tijaabo la xiriirta cudurka looga qaado gudaha Garoonka diyaaradaha Ee Magaalada Dubai (UAE).

Inkastoo uusan jirin xiriir duulimaad oo u dhaxeeya (Emirates) Dubai-MUQDISHU, ayaa hadana, waxey Soomaalida heysata Baasaboorada Dalalka kale raacaan diyaaradaan si ay ugu gudbaan dalal kale, waxeyna isugu jiraan Dadka Siyaasiyiin ah, Ganacsato, kuwo dalxiis u taga iyo qaar qaraabadooda booqda.

68880cookie-checkUAE Oo Shuruudo Cusub Ku Xiray Dadka Socotada ah