Boliiska Gobolka Oo Faahfaahin ka Bixiyay Qaraxii ka Dhacay Degmada Heliwaa…

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa qarax khasaare u gaystay Dad rayid ah oo ka dhacay degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho, qaraxaan ayaa Gaari Bus yar iyo Mooto Bajaaj kuwaasoo marayay Isgoyska SOS degmad Heliwaa ee magaalada Muqdisho…

Boliiska Gobolka Benaadir oo ka hadlay Qaraxa oo ahaa Miino ayaa qabsatay gaari caasiga ah iyo mootada Sida lagu sheegay qoraalka Boliiska, qaraxa waxaa ku naf waayay 5-Qof, halka dhaawaca uu toban ruux ka badan yahay, Dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawaca ayaa dhamaantood ah dad Shacab ah.

Xoogaga Amaanka ayaa ku fashilmay soo qabashada Eedeysanayasha falkaasi ka dambeeyay, iyagoo ku faanay iney gurmad u fidiyeen Dhibanayaasha Qaraxa waxyeelada kasoo gaartay, Qaraxa miino ayaana dad goobta ka agdhawaa sheegeen in lala damacsanaa Ciidamo dowladda ka tirsan oo aagaasi ka ag-dhawaa, balse uu haleelay Gaarigaiyo Mootada ay Dadka shacabka ah la socdeen.

309850cookie-checkBoliiska Gobolka Oo Faahfaahin ka Bixiyay Qaraxii ka Dhacay Degmada Heliwaa…