Ergo Laga Diiday Iney Kulansiiyaan Macallin Maxamuud Iyo Kheyre

Somalia news

Madaxa guud ee ururka Suufiyada Macalin Maxamuud oo ku sugan magalaada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ku gacan seeyray inuu la kulmo Mr.Xasan Kheyre, kadib markii ergo ka socota Xasan Kheyre oo ka soo jeeda beesha Murusade ay ku qanciyaan in Macalim Maxamuud ogolaado Kulankaasi….

Wadaadka oo weli saameyn ku leh qaar kamida Xoogaga Suufiyada Ee ku biiray Ciidamada dowlada Federaalka iyo Bulshada taageersan caqiidada Al-Sunna Wajameeca ayaa waxa horay si bahdil ah ula dhaqmay Xasan Kheyre isaga oo istcimaalaya awoodii dowlada.

Wadaadka ayaa diiday inuu la kulmo Xasan Kheyre, isagoo ku tilmaamay inuu yahay shaqsi aan lahaynin balan, akhlaaq diini iyo dareen wadaniyadeed, Wuxuuna u sheegay ergada uu soo dirtsaday Xasan Kheyre in uusan waligii uusan weligiis la kulmi doonin.

65430cookie-checkErgo Laga Diiday Iney Kulansiiyaan Macallin Maxamuud Iyo Kheyre