WFP oo ku guuleysatey Abaalmarinta Nabadda ee Nobel

Somalia news World

Abaalmarinta Nobel Peace Prize 2020 waxaa ku guuleustey Barnaamijka Cuntada ee Qaramada Midoobay (WFP) taas oo la dagaallanka gaajada adduunka oo dhan….

Sida ku xusan warbixinta abaalmarinta, WFP (Barnaamijka Cuntada Adduunka) waxay ku guuleysatey Abaalmarinta Nabadda ee la dagaallanka gaajada, dadaalka ay ugu jirto hagaajinta xaaladaha nabadeynta goobaha ay colaaduhu ka jiraan iyo inay yihiin awoodda wadista shaqada isku dayaysa inay ka hortagto in gaajada loo adeegsado hub ahaan ee dagaalka iyo khilaafaadka.

Waxaa sii dheer intaasi , iyadoo la sheegay in la hubinayo sahayda cuntada, WFP aysan ka hortagin oo keliya gaajada, laakiin ay sidoo kale gacan ka geysaneyso hagaajinta fursadaha xasilloonida iyo nabadda.

Waxaa jirta dood ka dhan ah sida muddooyinkii dambe ay u shaqeynayeen guddiga abaalmarinta Nobel, waxaana horey loo siin jirey dad nabadda wax ka qabtey, ku kordhiyay ama keenay heshiisyo wanaagsan, laakiin muddooyinkii dambe ayey la kulmayeen dhaliilo in aysan helin musharixiin u qalma, Sanadkii la soo dhaafey ee 2019 waxaa ku guuleystey Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Mr.Abiy Ahmed, inkastoo tan iyo markii uu abaalmarinta ku guuleystey dalkiisa ay ka socden cabashooyin uu awood ku xaliyay.

318-qof ayaa sanadkan loo sharaxay abaalmarinta Nobel Peace Prize kuwaasoo isugu jira 211-qof iyo 107-urur, Ku guuleystaha waxaa magacaaba Guddiga Nobel ee Nobel, oo ka kooban shan xubnood oo ay magacaabaan Baarlamaanka Norway.

Abaalmarinta waxaa la bixin doonaa 10-ka Diseembar, sanad-guuradii dhimashadii Alfred Nobel. Xaflada abaalmarinta sanadkaan waxaa saameeyey musiibada Koronahavirus-ka waxay ka dhacaysaa hoolka jaamacada Oslo, iyadoo ay goobjoog ahaayeen ilaa boqol qof oo marti ah oo keliya. Abaal marinta [Nobel Peac Prize] ayaa soo socotay tan iyo sanadkii 1901.

65470cookie-checkWFP oo ku guuleysatey Abaalmarinta Nabadda ee Nobel