Wakiilka UN-ka Ee Somalia Oo La Wareegay Kaalintii Dowladda Federaalka

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa wada hadalo ay garwadeen ka yihiin Mas’uuliyiinta Xafiisyada Wakiilka UN-ka Ee Somalia kuwaasoo u dhaxeeya 5-ta Madaxweyne Dowlad Goboleed iyo Hogaanka Xisbiyada Mucaaradka, waxaana looga hadlayaa sidii mowqif mideysan looga qaadan lahaa Doorasho heshiis wada oggol lagu haya, waxaana Kaalintii iyo saameyntii Kulamadaan ay ku lahaayeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha….

Kulankaan ayaa ka dambeeyay kadib markii Wakiilada Beesha Caalamka si kala gaar ah shalay iyo maanta shirar dhanka Online ee Zoomka ay la yeesheen Madaxda Dowlad Goboleedyada kaasoo looga hadlayay is mari waaga ka taagan doorashooyinka iyo sida xal looga gaari karo.

Shirka dhanka taleefanka ee u socda Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ee shanta ah ayaa waxay kaga hadlayaan sidii la isku soo dhowaan lahaa, caqabadaha ka taagan doorashada loo xallin lahaa.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dadaal ugu jira sidii shir la isugu imaan lahaa, si loo xaliyo is mari waaga taagan, waxaana muuqata in dowladda Federaalka ay wajaheyso cadaadis uga imaanaya Beesha Caalamka oo ay u dambeysay baaqii Safiirka UK u qaabilsan UN-ka oo la kulantay Wasiirka Arrimaha Dibadda u sheegtay in waqtiga gabagabo yahay in la bilaabo doorashada, waxaana ay ugu baaqday in dowladda Federaalka ay raadiso dowlad Goboleedyada lana gaaro doorasho wadar ogol ah.

88620cookie-checkWakiilka UN-ka Ee Somalia Oo La Wareegay Kaalintii Dowladda Federaalka