Midowga Europe iyo Dalka Mareykanka,ayaa qorsheynaaya iney xayiraado ku soo orgaan Dalalka Ethiopia iyo Eritrea, kadib markii lagu Eedeeyay iney xasuuq ka geysteen Dagaalkii ay ku qaadeen Gobolka Tigray Ee Federaalka Ethiopia…..
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Dalka Eritrea in 11-ka mid Saraakiil sar-sare ee Eritrea iyo 4 hay’adood oo isla dalkaas ah, lagu soo rogay Cunaqabeyn Dhanka safarada ah, iyadoo lagu Eedeeyay iney xasuuq, dilal wadareed, Kufsi iyo bililiqo xoogan k geysteen dagaalkii Gobolka Tigray k dhacay dhamaadkii sanadkii tagay.
Sidoo kale maalmaha soo socda si lamid ah Midowga Yurub waxuu xariyaad kusoo rogi doonaa 27-ka mid ah masuuliyiibta dalka Ethopia,kuwaasoo Magacyadooda la shaacin doono, Marayaykanka, ayaa asna laga filayaa in maalmaha na soo Aadan ay soo saaraan magacyada saraakiisha iyo shirkadaha reer Eritrea, ee uu xayiraada kusoo rogayo.
Dhanka kale Mareykanka ayaa Ergey gaar ah u magacaabaya Dalka Ethiopia kaasoo lagu magacaabo Mr.Feltman kaasoo horey uga soo shaqeeyay Dalalka geeska Africa, wuxuuna gacan ka geysan doonaa sidii Gobolka Tigray xasilooni iyo in Dadkii ka barakacay guryahooda dib loo soo celin doono loogana saaro Ciidamada Ethiopia iyo Eritrea.