Codsiga Ku biirista Somalia ee Urur Goboleedka EAC oo dib loo dhigay 

Africa News Somalia news

Macluumaad dheeraad sh ayaa tilmaamaya in codsiga Dowladda Federaalka ee ku biirista dallada Bulshada Bariga Afrika ee EAC, ayaa dib loo dhigay sida lagu sheegay war-saxaafaddeed kasoo baxay gunaanadka shirka EAC ee ka socday magaalada Arusha ee dalka Tanzania…

Dowladda Federaalka ayaa loo sheegay inay shirka 23aad ee sannadka dambe warbixinteeda usoo gudbiso golaha shir madaxeedka EAC, Shir madaxeedka waxaa lagu sheegay inaan si degdeg ah lagu xaqiijin karin aqoonsi siinta dowladda Somalia ee ku biirista Ururkaan.

Madaxweynaha Somalia oo ka qayb-gelay shirkan, ayaa gudbiyey codsi rasmi ah oo ku aaddan kamid noqoshada Somalia ee Ururkaan, Madaxweynaha, ayaa sheegay in dadaal badan dowladdiisu ku bixisay sidii dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga mid noqon lahaayeen EAC.

203040cookie-checkCodsiga Ku biirista Somalia ee Urur Goboleedka EAC oo dib loo dhigay