Madaxda Galmudug & Puntland Oo Xalay Kulmay

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Kulan ay xalay yeesheen Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug kaasoo ka kacay Hotelka Chelsea Village ee ku yaalla xeyndaabka Garoonka diyaaradaha. Wada hadalkan iyo isu keenida labada Madaxweyne ayaa waxaa ka soo shaqeeyay xildhibaano ka tirsan labada Gole oo ka soo kala jeeda labada Maamul….

Labada Madaxweyne Dowlad Goboleed ayaa waxaa muddooyinkan soo kala dhex galay khilaaf siyaasadeed, kaddib hadal jeedintii bishii hore ee Madaxweyne Saciid Deni oo uu ka carooday Madaxweyne Qoorqoor.

Dhanka kale Shalay Galab ayaa la sheegay in Mr.Qorqor looga yeeray Xarunta Hey’adda NISA, wuxuuna Kulan saacado qaatay la yeeshay Agaasimaha Hey’adda NISA Adeege Fahad Yasin, iyagoo kala hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin tuhun iyo kala shaki soo kala dhex galay Farmaajo iyo Qorqor.

Iyadoo warar qaar ay sheegayaan inuu tuhunka ugu weyn uu yimid kadib markii kulankii shalay Ee Teendhada Afisioni uu Mr.Qorqor ka dib dhacay muddo 60-daqiiiqo ah iyo kulamada habeenadii ugu dambeeyay la yeelanaayay Midowga Musharixiinta iyo Qaar ka ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

104020cookie-checkMadaxda Galmudug & Puntland Oo Xalay Kulmay