Faahfaahin Laga Helay Dil Ka Dhacay Laascaanood.

Politics

Faahfaahin hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya Kooxo Hubeysan oo xalay Konfurta magaalada Laascaanood ku dilay Madaxii Sirdoonka Somaliland ee Gobolka Sool, iyadoo kooxihii dilka geystay ay baxsadeen…

Wararka ayaa sheegaya inuu Dilka Xilli uu Marxuumka ka soo baxay salaadii cishaha, meel ku dhowna gurigiisana lagu dilay.

Taliyaha Booliska Gobolka Sool Axmed C/llaahi Cabdi ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen dad laga shakisan yahay la soo qabtay, isla markaana baaritaano ay socdaan.

Waxaa uu Taliyaha sheegay in saddex ruux oo lagu tuhmayo dilkaas gacanta ku hayaan, ayna ku wareejinayaan hey’adaha cadaaladda.

Dhowaan ayay aheyd markii qarax gaarigiisa loogu xiray lagu dilau Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool.

22770cookie-checkFaahfaahin Laga Helay Dil Ka Dhacay Laascaanood.