Puntland Oo Ganafka ku Dhufatay Go’aan ka soo baxay Wasaarada Kaluumeysiga..

Politics Somalia news

Qoraal ay soo saareen Maamulka Puntland ayeey kaga soo horjeesateen go’aankii ka soo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga DFS, kaa oo ahaa in sharci-darro loogu aqoonsanayo Kalluumaysi aan shati ka haysan Wasaaradda Kalluumaysiga Somalia…

Qoraalka ayeey ku sheegeen ”Haddii aan la xurmeynin Qodobada Dastuuriga ah ee Dalka, sida tooska u faraya xaquuqaha DFS iyo Dawlad gobaleedyada, iney ka wada xaajoodaan Kheyraadka dabiiciga ah, waxay halis ku noqonaysaa daganaanshaha Amni ee dalka, taasoo horseedi doonta Xasilooni darro siyaasadeed” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Puntland.

Maamulka Saciid Dani ayaa sidoo kale ka hortimid Is afgaradyo ay gaareen Dawladda Faderaalka iyo Dalalka Shisheeye oo ku jihaysan arrimaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

214990cookie-checkPuntland Oo Ganafka ku Dhufatay Go’aan ka soo baxay Wasaarada Kaluumeysiga..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

1 thought on “Puntland Oo Ganafka ku Dhufatay Go’aan ka soo baxay Wasaarada Kaluumeysiga..

  1. Dowlad madax banaan ku laha meshaan wixii la rabo maa la, iska sheganaa dalku Hal dowlad u leyahey inta kale waa maamul goboleedyo kheyraadka dalka waxaa ma’sul ka ah Dowlada Federaalka waa Maxey damacan waalida ah oo shatiga dowlada lagu qarabanaayo gorma laga gudbaa sidaan socon weysay miyaa wayahii tagey wax laga baran waa yabe Qanjiro weyne Duf ku bax

Comments are closed.