Share the post "Falanqeynta Dib u Dhacyada Dagaalada Ciidamada Dowlada, Qorshe & Xulasho xumida Hogaanka Dalka.."
Warbixino wel wel xambaarsan ayaa daaha ka rogeysa in dib u qabsashadii kooxda Argagixisada ee Degmada Aadan yabaal ayaa sababeeyay Qorshe iyo xulasho xumid ka timid Hogaanka fashilmay ee Villa Somalia lagu daray amar qaadasho la’aan iyo xakameyn oo aan shaqeynin, iyadoo muddo 3-sano ah ay soo jiitameysay hubanti la’aanta dhanka Hogaanka iyo kontorolka Ciidamada taasoo soo shaac baxday markii dagaalka daba dheeraaday..
Xuuraano loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya dagaalkii 16-ka April ee ka dhacay Degmada Aadan yabaal isku biirsadeen roobab xoigan oo xiligaasi da’aayay carqaladeyn hawada degaanka oo diyaaradaha drones-ka u saamixi waayay iney la socdaan dhaqdhaqaaqa Maleeshiyaadka ku soo dhawaanaayay Degmada aadan uga soo duulay 3-aag ee kala ah Al-khowthar, Ceel Muluq iyo Galharuur oo muudo isku uruursanaayeen Maleeshiyaadka Shababka.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Aadan yabaal ku sugnaa xiligaasi ay kor u dhaafaayern ilaa 5000 oo isugu jira Ciidamada Dowlada iyo Xoogaga Hubeysan ee Degaanka, waxaana Hogaaminaayay Taliyaha Ciidamada Yuusuf Odawaa, Madaxda Maxkamada Ciidamada & tiro Xildhibaano heer Federaal iyo Maamulba leh kuwaasoo dhamaantood ka badbaaday kadib markii ay gaareen degaanka Moqokori markii uu dagaalka bilaawday taasoo lagu sababeeyay iney Ciidamada iyo Xoogaga ka cararaan Degmada, iyadoo 2-Urur kaliyah ay aad u dagaalameen kuwaasoo khasaare xoogan soo gaaray.
Khubarada Arrimaha Ciidamada ayaa muddo ka digaayay talo iyo Hogaan xumida Villa Somalia oo muddo 3-sano Ciidamo aad u badan lagu dilay Dagaalada ka socda Degaanada Hirshabelle, iyadoo kooxdu argagixisadu isku dayeyso iney ka faa’iideysato Khaladaadka joogtada noqday Xasan Sheekh, waxeyna kooxdu isku dayeeysaa iney balaariso saameynteeda Gobolka uu Madaxweynaha fashilmay ka soo jeedo.
Qalad kale oo istaraatiijiyadeed ayaa farta lagu goday ayaa ahaa in aan mudnaanta 1-aad la siinin Xoogaga hubeysan Macawisley, khubarada ayaa rumeysan. Xoogaga maxalliga ah ee xoreeyay aaggooda waxay ahayd inay udub dhexaad u noqdaan qoritaanka, ayay khubaradu ku taliyeen, Intii lagu guda jiray duulaanka Galmudug, waxaa hoos u dhacay doorkii Xoogaga Degaanka, Inkastoo Hogaanka Galmudug uu aad uga welwelaayay iney dib isu soo abaabulaan xoogaga Suufiyada, iyadoo Maamulka Fashilmay ee Villa Somalia ay inta badan diiradda saartay diyaargarowga iyo abaabulka Xoogaga Hubeysan ee Degaanka.
Dhacdadii maanta ee Aadan Yabaal, kooxda Shabaabka oo dib u qabsaday inta badan Degaanadii laga qabsaday ee Shabeellaha Dhexe tan iyo 2022 marka laga reebo Degaanada Nuur Dugle iyo Wargaadhi oo weli ku jira gacanta dowladda inkastoo Xoogaga Degaanka ay ka taliyaan sida Gobollada Galguduud iyo Mudug ee deriska la ah, ayaa weli Dowladu maamusho sida Masagawaay, Ceel-dheer iyo Xarardheere.