Daacish Oo Qaarada Africa..

Uncategorized

Warbixin uu daabacay bog ka faallooda xogaha ururada argigixasada ayuu kaga hadlay joogitaanka ururka Daacish ee Somalia, kadib markii ururkaas uu khasaarooyin ba’an ka soo Gaareen dagaaladii Ciraaq iyo Siiriya taas oo keentay inuu lumiyo dhul badan oo ay ka talinayay.

Warbixintu waxay sheegaysaa in ISIS ay weli ku leedahay xiriir firfircoon dhanka Aasiya, Bariga Dhexe iyo Afrika  halkaas oo ay taageerayaasheedu si joogto ah oo aan caadi aheyn u weeraraan fikradaha reer Galbeedka.

Kooxdaan ayaa hadda doonaysa in dhaqdhaqaaq firfircoon ku yeelato wadamada Afrika sida, Mozambique, Kongo, Somalia iyo Ethiopia ee gobolka Geeska Afrika, Masar, Libya iyo Maroco, Nigeria, Burkina Faso, Niger, Chad  iyo Mali.

Gudaha Soomaaliya, ISIS waxay ka howlgashaa buuraleyda gobolka Bari ee Puntland, caasimadda, Muqdisho iyo sidoo kale qaybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya. Kooxdan oo markii hore ka soo goostay ururka Al-shabaab sanadkii 2015, ayaa xerooyin firfircoon waxay ku leeyihiin buuraha Bari ee dowlad-goboleedka Puntland.

Sirdoonka la socda dhaqdhaaqa ururada argigixisada waxay muujiyeen in kooxdu ay leedahay ugu yaraan 500 oo askar lug ah oo mas’uul ka ah dilalka qorsheysan ee ka dhaca Somalia.

Warbixinta Sirdoonka ayaa tilmaamaysa in ISS ay waddo abaabul ay u badan tahay in ay bilowdo olole toddobaadyada soo socda. Kooxda ayaa sidoo kale si firfircoon u raadineysa inay hesho taageerayaal ka soo jeeda Ethiopia si ay u xoojiso joogitaanka ISIS ee gobolka Geeska Afrika.

15030cookie-checkDaacish Oo Qaarada Africa..