Farmaajo Oo Amray In La Xayiro Senatar

Politics

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in maanta is hortaag lagu sameeyey Senetor C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ka mid ah Golaha Aqalka Sare Ee Soomaaliya, kaasoo la inuu ku sii jeedaya Magaalada Kismaayo…

Senetorka ayaa doonayey inuu ka qeyb noqdo Wafdi Kismaayo usocday Maanta si ay kaga qeyb galaan Aaska Loo sameenayey Wasiirkii Waxbarashada Jubbaland Allaha unaxariistee Macalin Maxamed.

Diyaarada Meydka qaaday oo Muqdisho ka duushay Maanta Barqadii ayaa waxa diyaarad kale la sheegay in Xubnaha raacayey Loo diiday inay baxdo, kadib markii uu Mr.Farmaajo uu diiday iney Rakaab raacaan, waxaana lagu sababeeyay iney Ehelada Marxuumka ay ku adkeysteen In Kismaayo lagu duugo.

Maamulka Garoonka qeybtooda Amniga ayaana Senetor C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag u sheegay fariinta Farmaajo loona diiday inuu ka dhoofo,iyadoo markii dambe la fasaxay Afhayeenkii hore Ee Hay’ada NISA Jubbaland Carab oo isagu loo diiday inuu dhoofo qudhiisa.

33260cookie-checkFarmaajo Oo Amray In La Xayiro Senatar