Dagaal Beeleed Khasaare Geystay oo ka Socda Degaano Ka Tirsan Gobolka Galguduud  

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaal beeleed muddo seddex maalmood ka socday degaanka Baale oo u dhaxeysa degaanada Siigaale iyo Gadoon oo ka wada tirsan Gobolka Galguduud, waxaana la sheegay inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray Dhinacyada dagaalamaaya…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Dagaalkaan oo ah mid xoogan ayaa dib uga billowday degaannada Baalle iyo Dhagax-dheer oo ka tirsan gobolka Galgaduud, Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalka ku geeriyoodeen ugu yaraan 8-Maleeshiyo oo labada dhinac ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen 15-kale, sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka degaanka.

Xaalada ayaa haatan aad u kacsan inkastoo Saakay ay degan tahay degaanada lagu dagaalmay, waxaana jira dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo iyo abaabul xoogan oo ay wadaan dhinacyadaan, Maleeshiyaad beeleedka dagaalamaya ayaa isku haya dhul daaqsimeed ku yaalla tuulada Baale oo hoostegta deegaanka Dhagax-dheer ee gobolka Galgaduud.

208490cookie-checkDagaal Beeleed Khasaare Geystay oo ka Socda Degaano Ka Tirsan Gobolka Galguduud  
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com