Farmaajo Oo Amray In Madaxtooyada Laga Saaro Ciidamada..

Politics

Faahfaahin ayaa laga soo sheegaya dhaqdhaqaaq laga waday Saddexdii habeen ee ugu dambeeyay xerada Ururka Boliiska Dableyda ee Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo ilaaladii gaarka ahayd ee koofiya casta qaarkood la geeyay degaanka Awdheegle ee Gobolka G/Shabellaha Hoose…

Xogtaan ayaa si hoose ugu sheegtay Diinah.com in ku dhowaad 350 askari oo ka tirsan Ururkaasi laga qaaday Villa Somalia, Ciidamadaan ayaa waxaa hogaaminaayay labo Taliye oo kala Axmed Geel iyo Shaafici oo labaduba kamid ahaa saraakiisha ugu sarsareysay ee Ilaalada Madaxtooyada toban sano kabadan.

Ciidamadan la badalay ayaa hayb ahaan kuwooda ugu badan kasoo jeeda beesha Abgaal iyo Habar gidir, waxaana lala badalay wa xoogaa Raxanweyn ah, iyadoo booskoodii lagu buuxiyay Maleeshiyaad ka soo kala jeeda beelaha Mareexaan, Dhul-bahante iyo Murusade, Bedelka Ciidamadaan ay ku soo Beegmeysa kadib markii muqdisho ay shir ku yeesheen waxgaradka iyo siyaasiyiinta Mudulood oo ah beel awood ahaan isha lagu haayo.

Maleeshiyaadkaan cusub ayaa la dejiyay goobohii laga qaaday kuwii horey u joogay, iyagoo tababar ku soo dhamaystay xerada General Gordan, waxeyna tiradoodu gaarayaan ku dhowaad 600 oo askar waana ciidan laga keenay magaalooyinka Gobolka Sool, Degmooyinka Beled-Xaawo, Caabudwaaq iyo Dayniile.

Warar hoose ayaa sheegaya in 2-sano ee ugu dambeysay la diyaarinaayay qorshahaan sidii looga saari lahaa Ciidamada Labada beelood heyb ahaanta ka soo jeeda, kuwaasoo degan agagaarka Villa Somalia.

21080cookie-checkFarmaajo Oo Amray In Madaxtooyada Laga Saaro Ciidamada..