Cabasho laga soo saaray Wax ka Bedelka Dastuurka Puntland kaasoo Horseedi kara Burbur…

Uncategorized

Hogaanka Dowladda Federaalka ayaa codkooda ku biiriyay cabasho iyo qeylo dhaan laga soo saaray wax ka bedelka Dastuurka Puntland, kaasoo Maamulka Deni qorsheeyay inuu horgeeyo Baarlamaanka isla markaasna ka ansixiyo wax ka bedelka Dastuurka, Qeybahaan ayaa isha ku haya Gudoonka…

Xogo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee Puntland oo qaarkood ka tirsan yihiin urur siyaasadeedyo saamayn xooggan ku leh degaanka ayaa qaatay in hal mar la wada qaadaco doorashada Qof iyo Cod ee Golayaasha degaanka haddii Baarlamanku ansixiyo wax ka beddelka Dastuurka.

Madaxweynaha oo fariimo siyaasadeedkiisa dhaqan ka dhigtay inuu Masaajidka Villa Somalia ka soo dhax dhaliilo Salaada Jimcaha kadib ayaa ka digay qorshaha Deni ee Doorashada Degaanada ee la qorsheeyay iney qabsoomto 25-ka Bishaan, ku darsoo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo ku sugan Magaalada Nairobi kulamana la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka si ay u taageeraan qorshaha Doorashada si loo qaado Xayiraada dhaqaale ee la saaray Doorashada Puntland ayaa filan waa ku noqotay markii Golaha Wasiirada ansixiyeen Mashruuca wax ka bedelka Dastuurka Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo muddo xileedkiisu ka hartay 8-bilood ayaa ku adkeystay inuu wax ka bedel ku sameeyo qodobka 46-aad ee Dastuurka kaasoo xadidaaya Tirada Xisbiyada, waxeyna horseeday in heer-kulka Siyaasada Puntland ay gaarto meeshii ugu sareysay, iyadoo laga cabsi qabo inuu burbur ku yimaado Nidaamka Qabaliga ah ee 24-sano soo dhisnaa.

254720cookie-checkCabasho laga soo saaray Wax ka Bedelka Dastuurka Puntland kaasoo Horseedi kara Burbur…