Farmaajo Oo Diyaarinaaya Dacwo & Dacaayado Dhan Ka Ah Mr.Khayre

Somalia news

Kadib markii Xilka laga Qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore Mr.Xasan Cali Kheyre, ayaa waxaa soo shaac baxaayay warar sheegaya in Mr.Farmaajo uu ku cadaadinayo Hanti-dhowraha Qaranka inuu diyaariyo warbixino tilmaamaya dhaqaale uu lunsaday xiligii uu Mr.Khayre xilka hayay, si ay bar madow ugu noqoto musharaxnimadii oo walaac badan ku heysa Villa Somalia…..

Hanti dhawraha guud ee Qaranka Mr. Maxamed Cali Afgooye ayaa soo saaray warbixin la sheegay iney tahay baarista maaliyadeed Hogaanka Sare Ee Dalka sida loo muujiyay iney raaceen hababka Maaliyadeed Ee waafaqsan Dastuurka dalka, si loo ilaaliyo hufnaanta maamul maaliyadeed ee Dowladda.

Warbixinadaan ayaa lagu soo bandhigay kharashaadka howl maalmeedka Xafiisyada Madaxweynaha, Gudoomiyayaasha Baarlamaanka iyo Aqalka Sare iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee la isticmaalay sanadkii 2019 kuwasoo aan laheyn caddeymo, intii uu xiligaas hayay Mr.Khayre oo haatan ka mid ah Xisbiyada Mucaaradka.

Hanti dhawraha ayaa daabacay gunaanadka warbixinta baarista, iyagoo sheegay iney ogaadeen in la bixiyay lacag dhan $163,806.49 oo aan laheyn caddeymo ku filan, taasoo lid ku ah sharciga.

Dhanka kale, Kooxaha CBB Ee taageersan Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ayaa loo gudbiyay Warbixintaan, waxeyna ku mashquulsan yihiin sidii Baraha Bulshada ugu faafin lahaayeen dacaayadaha loo soo dhiibay.

77920cookie-checkFarmaajo Oo Diyaarinaaya Dacwo & Dacaayado Dhan Ka Ah Mr.Khayre