Maamulka Arrimaha Dibeda Somalia Oo Beeniyay

Somalia news

Wasiir arrimo Dibadeedka Dowladda xil gaarsiinta Somalia ayaa beeniyay warar ay qoreen Warbaahinta gudaha, taasoo la la xiriiiriyay xiriirkii Diblomaasiyadeed Ee kala dhaxeeyay Dalka Djibouti uu gaaray heerkii ugu hooseeyay, kadib markii Farmaajo uu dabciyay Xiriirkii Walaaltinimo…

Wuxuuna ku eedeeyay in Dowladda Djibouti ay la safatay Dalka Kenya, kadib Warbixinta Guddiga IGAD oo ay Hogaaminaayeen Djibouti, warbixintaasi ayaa lagu caddeeyay ineysan Kenya ku xadgudubin Midnimada iyo Wadjirka Somalia, iyadoo ay xigtay in Farmaajo uu ka baaqsaday inuu ka qeyb galo Xafladii Dhaarinta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle.

Wasiirka Mr.Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay “in Somalia ay xiriir wanaagsan la leedahay Dowladda Djibouti, laakin ay diiwaan geliyeen diidmadooda adag Ee warbixintii bishii February Ee Sanadkaan, iyagoo dhaleeceeyay natiijadii Guddiga xaqiiqo raadinta Ee IGAD,

122530cookie-checkMaamulka Arrimaha Dibeda Somalia Oo Beeniyay