Farmaajo Oo Dowlad Goboleedyada Taageeraan Culeys Ku saaray Iney Xiriirka…

Somalia news

Warar loo qaateen ah ayaa sheegay in Saacaadihii ugu dambeeyay ay waden Olole xoogan Farmaajo & Fahad ay ku doonayaan iney culeys ku saaraan Guddiyada Doorashada ee Dowlad Goboleedyada Hir-Shabelle, Galmudug & Konfur galbeed ku dhawaaqaan iney joojiyaan Xiriirkii Wada shaqeyn ee kala Dhaxeysay Guddiga Doorashada ee Federaal..

Wararka ayaa sheegay in Farmaajo & Fahad ay aad uga xumaadeen kadib markii uu Gudoomiyaha Guddiga Doorashada heer Federaal uu ku dhawaaqay in la hakiyay Kuraasta Lambaradoodu kala yihiin Hop#086,Hop#103 & Hop#154, Guddiga ayaa sheegay in Xubnaha ku guuleystay aysan u aqoonsan doonin Xildhibaano isla markaasna aysan siin doonin.

Xiisadaan cusub ayaa u muuqata mid dib u soo celineysa Dagaal siyaasadeedkii u dhaxeeyay Farmaajo & Rooble, taasoo la ogeyn meel uu ku dambeyn doono, iyadoo durbadiiba ay soo shaac baxaayaan ifafaalo muujinaaya in khilaafkaan uu horseedo dagaal sokeeye iyo burburka Nidaamka jilicsan ee Dowlada Federaalka.

170690cookie-checkFarmaajo Oo Dowlad Goboleedyada Taageeraan Culeys Ku saaray Iney Xiriirka…