Ma Dhabaa In Villa Somalia ay Shababka Ka Dalbadeen Qirshada Dilkii Sarkaaladii NISA

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya iney si xowli ah ku socdaan dadaalo iyo culeys saar lagu oggoleysiinaayo qaar ka mid ah Horjoogayaasha Kooxda Shababka iney si cad u qirtaan dilka Sarkaaladii NISA marxuumad Ikraan Tahliil…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Farmaajo & Eedeysane Fahad ay xiriiro la sameeyeen Hogrjoogaha Kooxda Argagixisada Shababka, iyagoo ka codsaday inuu qirtaan dilka Sarkaaladii NISA Marxuumad Ikraan Tahliil, isla markaasna indhaha Shacbiga looga sii jeediyo Dembiyada loo heysto Eedeysanayaasha Xildhibaanada u xuub siibtay Fahad, Kulane & Faray.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Wakiilo ka socda Farmaajo & Fahad 2-todobaad ee u dambeysay ay magaalada Beledweyne kulamo qarsoodi oo la yeesheen qaar ka mid ah Ehelada Marxuumada kaasoo ku soo dhamaaday fashil, ayna xiligaan ku qasabtay iney taageero iyo qirsho ka raadiyaan Kooxda Shababka dhaqaale buurana ugu yaboohaan.

170610cookie-checkMa Dhabaa In Villa Somalia ay Shababka Ka Dalbadeen Qirshada Dilkii Sarkaaladii NISA