Farmaajo Oo U Soo Jarmaaday Intuu Baajiyo Kulanka B/Caalamka Iyo Maamulada Gobolada

Somalia news

Madaxweyne muddo xileedkiisu dhamaaday Mr.Farmaajo ayaa saaka subax hore tagay Teendhada Afisyooni, sidoo kale waxaa wehliya oo ku sugan Afisyooni Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyadoo la sheegay inuu diyaariyay qorshe Dhabar jebin ku kulanka Qorsheysan…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Saddexda Maamul goboleed, sida Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ayaa lagu wadaa iney soo gaaraan xeyndaabka Garoonka diyraadaha, iyadoo in muddo saacado la sugayo.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo sababta uu saaka subaxa hore u tagay Afisyooni ay tahay inuu baajiyo kulanka ay maanta u balansan yihiin shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

Dhanka kale tiro Hoobiyayaal ah ,ayaa lagu weeray Xarunta Amisom ee Xalane, iyadoo khasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay Dadka Rayidka ah, waxaana khasaare ka soo gaaray dad rayid ah, Mar walba oo xaalku ku adkaado Hogaamiye kooxeedka soo daahay wuxuu adeegsadaa kooxda ay wada shaqayntu ka dhaxayso ee Alshabaab. Weerarkaan ayaa lagu fasiray fariimo cabsi gelin ah oo Farmaajo iyo Fahad ay u dirayaan Wakiilada Beesha Caalamka, kuwaasoo Xarunta Xalane ka wada dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo hogaamiye kooxeedka khatar ku ah.

104780cookie-checkFarmaajo Oo U Soo Jarmaaday Intuu Baajiyo Kulanka B/Caalamka Iyo Maamulada Gobolada