Puntland Iyo Jubbaland Oo War Ka Soo Saaray Doorashada

Somalia news

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiisyada Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, ayaa waxaa looga hadlay marxaladda Siyaasadeed ee xilligaan taagan oo ay ugu wayn tahay doorashada soo socota ee la filaayo inay dalka ka qabsoonto…

Puntland:-

Puntland waxa ay sheegtay inuu fashilmay isku day wada hadal oo u dhaxeeyay Guddi farsamo oo Puntland & Xafiiska Madaxweynaha Somaliya, kadib markii Madaxtooyadda Somaliya ay ka cago jiideen qabsoomida kulamadaasi.

Sidoo kale Puntland waxa ay ku eedeysay madaxda dowladda Federalka Somaliya inaysan dooneyn doorasho waqtigeeda ku dhacdo, islamarkaana laga wada tashado haddii ay tahay dowladda Federalka Somaliya & dowladaha xubnaha ka ah.

Jubbaland:-

War qoraal ah oo ka soo baxay Maamulka Jubbaland ayaa looga hadlay kulamo natiijo la,aan ku soo dhamaaday oo aallada Internetka ay ku wada qaateen xubno ka socday Xafiiska Madaxweynaha Somaliya & Maamul Goboledyada Wakiilo matalaayay.

Jubbaland waxa ay sheegtay shirarkaasi oo natiijo la’aan ku soo dhamaaday inay sabab u yihiin madaxda dowladda Federalka Somaliya, maadaama ay shaacin waayeen kulamada xilliga ay dhacayaan & meesha ay ka dhacayaan.

40780cookie-checkPuntland Iyo Jubbaland Oo War Ka Soo Saaray Doorashada