Safarkii Xundubay Ee Dooxa Muxuu Daranaa

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Safarkii Wasiirka Amniga iyo Agaasimaha NISA ku tageen Todobaadkii tagay Magaalada Dooxa ayaa la sheegay inuu daranaa laba Ujeedada, kuwaasoo kala ah inuu la Kulamo Wakiilo ka socda Hoejoogayaasha Shababka Iyo inuu si qarsoodi ah ula kulmo Wasiirka Arrimaha gudaha Ee Kenya….

Xuuraankaan ayaa u sheegay Warsidaha Diinah.com in Qorshaha labada kulan ay fududeeyeen Dowladda Dooxa ayna balanqaadeen iney hirgelintiisu dhaqaale ku bixinayaan hadii Heshiiska laga gaaro, iyadoo ay Saraakiisha Sirdoonka Qadar ay korjoogto ka aheyd, waxaana la isku afgartay laba Qodob oo kala ah.

-Kooxda Argagixisada Shababka ay ka baxaan Magaalada Bu’aale xarunta Gobolka Jubada Dhexe.

-Dowlada Qatar ay bixineysa dhaqaalaha ku baxaaya gacan gelinta Magaalada Bu’aale oo dhan 5-Millions US$ ah, iyadoo qaabkii loo fulin lahaa qorshahaas loo balamay Todobaadyada soo socda, hadii dib loo soo doorto Farmaajo.

Sidoo kale Dowladda Kenya ayaa la sheegay in heshiis hordhac ah la la gaaray iney ka qeyb qaataan sidii si nabad ah loogu soo wareejiyo lahaa C/Shiidle Janan iyo 400 Ciidamo ah oo Beesha Mareexaan ka soo jeeda iyo 30- Gadiidka Dagaalka oo ay qaarkood ay ku deeqday Dowladda Kenya si nabad ahna ku gaari lahaa Magaalada B/Xaawo.

Waxaana lagu wadaa in Janan iyo Cabaas Gurey ay qeyb ka noqon doonaan Howlgalada lagu tagaayo degmada Bu’aale iyo Saakow waxaana la sheegay in Ciidamada B/Xaawo iyo Doolow Jooga loo wareejin doono Magaalada Baardheere.

Kenya iyo Maamulka Farmaajo ayaa ku heshiiyay in Laga heshiiyo Dacwada Xiisada Badda inta aan xukunka dhicin dib loogu balamay marka la hubsado dib u Doorashada Farmaajo!!?.

104820cookie-checkSafarkii Xundubay Ee Dooxa Muxuu Daranaa