Farmaajo Oo Xil Ku Abaal Mariyay

Politics

Warbixino laga helay Xafiiska Farmaajo ayaa Muujinaaya inuu magacaabay Danjire Adan Ibraahim Xirsi oo hore u soo noqday Wasiir ka tirsanaa Dowlad goboleedka Jubbaland, balse markii dambe uu xilka ka qaaday Axmed Madoobe…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Adam Ibraahim oo ay ku beel yihiin Madaxweynaha Villa Somalia, isla markaasna iska casilay Xilka Wasiirnimo ee Jubbaland, ayaa lagu wadaa in lagu Abaal mariyo magacaabista safiirka JFS u fadhiya dalka Sucuudiga sida ay Diinah.com u sheegeen ilo wareedyo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha. Adam Ibraahim ayaa ka mid ah shaqsiyaadka sida aadka ah uga taageera Madaxweyne Farmaajo baraha Bulshada.

Adam Ibraahim ayaa noqonaya shaqsigii afraad ee ay isku beel yihiin Madaxweyne Farmaajo oo loo magacaabo Danjire, Madaxweyne Farmaajo ayaa hore u magacaabay Safiirka Dalka Qatar Cabdirasaq Faarax Cali (Taano) waxaa sidoo kale Farmajo uu magacaabay Safiirka Imaaraadka Axmed Dahir, iyo Maxamed Cali Mire oo uu u magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Koofur Afrika.

Waa dhaqan aad loogu yiqiin dowladdii kaligii taliskii Maxamed Siyaad Barre kaasoo inta badan safaaradaha dalalka muhiimka u ah Soomaaliya u magacaabi jiray Shaqsiyaad ay isku heyb yihiin, Mr.Farmaajo ayaa waxaa isi soo taraya hab dhaqankiisa kali talisnimo xilli ay muddo xileedkiisa ka harsan tahay toban bilood (10).

23670cookie-checkFarmaajo Oo Xil Ku Abaal Mariyay