Argagixisada Shababka oo Bilaabay inay Bartilmaameedsadan Xarumaha lagu xiray kaamirooyinka Amniga…

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax ayaa xalay lagu bururiyay goob ganacsi oo lagu iibiyo qalabka baabuurta (Spare parts), taasoo ku taala Xaafada Blac Sea ee degmada Howlwadaag ee magaalada Mogadishu, Qaraxaan ayaa lala xiriirinaayaa inay ka dambeeyaan kooxda Shabaabka, kadib markii ay ku hanjabeen inay tallaabo ka qaadayaan xarumaha ganacsiga ee lagu xiray Kaamirooyinka amniga…

Todobaadyadii ugu dambeeyay ayaa xarumaha ku yaala laamiga Blac Sea, waxaa ka taagnaa, in Hay’adda NISA ay amartay in kaamirooyin lagu xiro xarumaha ganacsiga, halka Horgalafa kooxda ay digniin kasoo saareen, Taasi waxay keentay in ay xirmaan xarumo ganacsi oo ay ku adkaatay fulinta amarada dowladda iyo kuwa kooxda Argagixisada.

Horjooge katirsan Shababka ayaa si cad u sheegay inay bartilmaameedsanayaan cid kaste oo fulisa awaamiirta Dowlada Federaalka ee ah inay ogolaato in xarunteeda ganacsi lagu xiro kaamerada loogu talo galay amniga, Kaameradan ayaa loogu talo galay inay duubto waxyaabaha ka socda meheradaha lagu xiro, si haddii halkaas ay wax ka dhacaan ay dowladdu u hesho xogo muhiim ah oo wata caddaymo.

290100cookie-checkArgagixisada Shababka oo Bilaabay inay Bartilmaameedsadan Xarumaha lagu xiray kaamirooyinka Amniga…