Federaalka iyo Maamul Gobaleedyada oo Hirgalinaya Lambarka Mideysan ee Aqoonsiga Canshuur bixiyaha..

Somalia news

Shirka Horumarinta Maaliyadda Dalka ee u dhexeeyay Wasiirada Maaliyadda heer Federal, mid Dowlad-Goboleed & Gobolka Banaadir ayaa Arbacadii looga dooday sidii loo mideyn lahaa lambarka aqoonsiga cashuur-bixiyaha oo muhiim u ah casriyeynta hannaanka dakhliga gudaha…

Dood dheer iyo aragti isdhaafi kadib, masuuliyiinta labada heer ee dowladda federaalka iyo dowlad-gooleedyadau waxay isla meel-dhigeen hirgalinta nidaamka mideysan ee lambarka aqoonsiga cashuur bixiyaha oo ay ku jiraan ganacsiyada, shaqsiyaadka iyo hey’adaha macaashdoonka ah.

Hirgalinta hishiiska nidaamkan waxaa wadajir u saxiixay Wasiirka Maaliyada Dowladda Federaalka Somalia, wasiirada maaliyadda dowlad-goboleedyada kala ah Hirshabeelle, Galmudug, Konfur Galbeed, Jubbaland iyo mamulka Gobolka Banaadir, Waxaa xusid muddan in shirkan aysan ka qeyb gali dowlada Puntland oo ah maamul gobaleedka ugu weyn ee Federaalka Somalia, waxaana weli jirin xiligan xiriir wada shaqeyn oo ka dhaxeeya Xukuumada Federaalka iyo Puntland.

338750cookie-checkFederaalka iyo Maamul Gobaleedyada oo Hirgalinaya Lambarka Mideysan ee Aqoonsiga Canshuur bixiyaha..