Maxaa Ka Jira In Farmaajo Uu Ciidamo Xoojin ah Ka Codsaday Qorqor & Lafta gareen

Somalia news

Kadib xiisadii ka dhalatay isku daygii Afgambiga Ee Farmaajo iyo Eedeysane Fahad, ayaa la xaqiijiyay In Farmaajo uu Kulan la qaatay Qorqor iyo tiro Saraakiil ah, waxaana khadka Isgaarsiinta kaga qeyb galay Lafta gareen, iyadoo looga dooday sidii loo xoojin lahaa Difaaca Villa Somalia…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com u sheegtay in Kulankaasi lagu heshiiyay in Mr.Qorqor uu ku diyaariyo Ciidamo Ex Xeradii Guulwadayaasha, waxaana la sheegay in 700 Ciidamo ah oo Beesha Ka Soo jeeda ayna Hormuud u yihiin Shaqsiyaadka kala ah Maxamed Daahir, Xasan Jaamic, Farxaan Qaroole iyo Warsame Gaab Oo xerada Madax ka ah, kuwaasoo loo qorsheeyay iney Aaga Wasaarada Gaashandhigga difaacaan.

Wararka ayaa sheegay in Lafta gareen uu maalmaha soo socda uu Magaalada Mogadishu u soo diri doono 400 Oo Ciidamo Gurmad ah kuwaasoo lagu xoojin doono Madaxtooyada iyo Xabsiga dhexe, Ciidamadaan ayaa dhaqaalaha ku baxaaya Waxaa bixinaaya Farmaajo.

Taliyaha Ciidamada Lugta iyo Saraakiil kale ayaa la sheegay iney abaabulo ka wadaan Xeryaha Turkish-Som iyo Xeradii hore Ee Damaanyo, waxaan loo qorsheeyay iney qabtaan degmooyinkw Dayniile, Hodon iyo Wadajir, Odawaa ayaa xilkii ka qaaday (Adan Xasan Dhicis) Taliyihii ciidanka ilaalada Madaxtooyada oo loo heysto inuu qaatay oo fuliyey amar qaldan, waxaana loo magacaabay Axmed Maxamuud Maxamed (Gelle).

158710cookie-checkMaxaa Ka Jira In Farmaajo Uu Ciidamo Xoojin ah Ka Codsaday Qorqor & Lafta gareen