Digniino ay soo saartay Hay’adda caalamiga ah ee badaha ayeey ku boorisay Shirkadaha iyo Hawl-wadeennada Maraakiibta Shisheeye inay feejignaadaan marka ay isaga kala gooshayaan xeebaha Somalia iyo gacanka cadmeed, iyagoo sheegay in burcad-badeednimadu ay weli tahay khatar…
Wararka ay soo saartay Xafiiska Rugta Ganacsiga Caalamiga ah ee Badaha Caalamiga ah (IMB) ayaa warbixintii sannadlaha ahayd ee ugu dambaysay ku sheegtay in sideed weerar oo burcad-badeed ah laga soo sheegay badaha xeebaha Dalka gaar ahaan degaanada Puntland 2024-ka.
Sida ay sheegtay IMB, afduubka loo geystay labo markab oo kalluumeysi iyo markab xamuul ah qeybtii hore ee sanadka 2024-ka ayaa ka mid ahaa sideed dhado oo burcadbadeednimo ah oo la soo sheegay sanadkii hore, IMB waxay sheegtay in burcad-badeedda Soomaalida ay ku beegsan karaan maraakiibta meel xeebaha Soomaaliya u jirta 1,000 mayl-badeed, iyagoo isticmaalaya doonyaha kalluumaysiga ee dheereeya.