Milkilihii Astaan TV Xukun Iyo Ganaax Lagu Xukumay

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Maxkamada Degmada ay xukun iyo Ganaax ku riday Milkiiha Astan TVMr.Cabdimanaan Yuusf, iyadoo xayiraad lagu soo rogay shaqada TV-ga,kadib markii lagu eedeeyay arrimo dhan ka ah Maamulka Muuse Biixi…

Maxkamada ayaa sidoo kale Astaan Tv kusoo rogay xayiraad ka dhan ah inuu kasii shaqeeyo Somaliland iyo ganaax lacageed oo dhan 2 Billion oo ah lacagta Somaliland ah, Ilaa iyo hadda lama sheegin sababta uu ku mutaystay ciqaab intaas le’eg,  isagoo illaa bishii July ku xirnaa xabsiga magaalada Hargeysa.

Qareenada u doodayay ayaa sharci darro ku tilmaamay xukunka lagu riday mulkilaha Astaan TV, waxayna tilmaameen in markii hore sharci darro lagu xiray, sharci darrana lagu xukumay, Sidoo kale, ururka saxaafada Somaliland ayaa sidoo kale cambaareeyay xukunka lagu riday Cabdimanan, waxayna ku tilmaameen xadgudub weyn iyo cadaalad darro.

70500cookie-checkMilkilihii Astaan TV Xukun Iyo Ganaax Lagu Xukumay