Share the post "Gabar Soomaaliyeed oo Jirdil Lagu Dilay Degaanada Soomaalida Kenya & Sababta.."
Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo laga soo sheegay iney ku dhacday Gabar Soomaaliyeed oo 17-sano jir ah, taasoo qasab loogu guuriyay Oday 55-sano jir ah, falkaan ayaa la sheegay inuu ka dhacay degaan ka tirsan Degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi bari Kenya..
Wararka ayaa sheegaya in Gaala Aadan Cabdi ayaa laga afduubay xerada Qaxootiga Dhagaxley ee Dhadhaab, waxaana la geeyay degaan u u jirta Xerada 150-KM laguna magacaabo Wara Ademsajida, si qasab loogu guuriyo Oday 55-sano jir ah magaciisana lagu sheegay Maxamed Qaasim Tifow.
Gabadha markii ay aragtay Odayga ayeey iska diiday qorshaha guurka, iyadoo Diidmadeeda ay u soo jiiday in Jirdil joogto ah lagu sameeyo muddo dhan 27-Maalmood oo xiriir ah, falkaasoo markii dambe ay u geeriyootay, iyadoo meydkeeda la xaqiijiyay in la gubay si raadkeeda loo baabi’iyo sida laga fariin qoraaleed ay u dirtay ehelkeeda.
Baaritaano ay Boliiska Kenya sameeyeen ayeey ku heleen Meydka Marxuumada iyadoo Autopsy lagu sameeyay ay muujiysay in la dilay kadibna la gubay, iyadoo Baarayaasha Boliiska ay xireen Ninka Maxamed Qaasim si wax looga weydiiyo Dadka kale ee kala qeyb qaatay Dilka Gabadha yar.