Ma Dhabaa in Mr.Deni uu ku jiro Rafashadii ugu Dembeeyay ee Damaciisa Muddo Kororsiga…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in todobaadyadii ugu dambeeyay ay ka socdeen dadaalo iyo isku dayo lagu xalinaayo ismari-waaga ka taagan qabsoomida Doorashada wadar oggol ee Degaanada Puntland ee loo madlan yahay in ay qabsoonto 8 Janaayo 2024…

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in cabsida xiisada iyo jaahwareerka waxaa kor u qaadey kadib markii 19 bishii hore ee Novembar Madaxweynaha Puntland soo geliyey magaalada Garoowe ciidamo aad u faro badan oo wata gawaarida dagaalka iyo kuwa gargaarka degdega ah waxaana ay ka soo kicitimeen Gobolka Bari, taasi waxay keentey in Xoogaga Kumaandooska ee guutada Danab ay soo galaan gudaha magaalada Garoowe isla markaana fariisimo ka samaystaan galbeedka iyo koonfurta magaalada Garoowe, taasoo ku qasabtay in Dadka Rayidka ka qaxaan magaalada.

Odoyaal Dhaqan oo ka soo jeeda Gobolka Sool oo u yimid xalinta iyo dejinta xaaladda Puntland ayaa ku guuleystey in ciidamada la kala qaado xaaladda amni caadi lagu soo celiyo dadkana laga saaro cabsida, kadib waxay bilaabeen sidii xal siyaasadeed loo heli lahaa, Isimmada SSC ayaa kulamo la qaatey dhinacyada ay khuseyso sida, Madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa, Shirguddoonka Baarlamaanka Puntland, Dallada Mucaaradka, Xisbiyada siyaasadda ee ku dhaw xukuumadda iyo bulshada rayidka ah.

Habeenkii Jimcihii soo galaysey ee 1-da Decembar waxaa soo gunaanadmay muddo xileedka Hey’adaha Dastuurga ah, iyadoo kulan saddex geesood ah madaxtooyada ku yeesheen Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenkiisa iyo Afhayeenka Baarlamaanka, kulankan ayaa ahaa kii ugu adkaa ee saddexda Mas’uul dhex mara muddooyinkan, Guddoomiye Cabdirashiid ayaa sheegay in xeerka doorashadu uu dhintey dibna aan loogu celin karin Baarlamaanka doorasho aan xeer lahayna lama qaban karo, meel loo dhaafo 66 Xildibaan ee beeluhu iska soo xuli jireen aysan jirin sidaas darteed laga doonaayo in Madaxweynuhu uu dalka jiheeyo, Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ku raacey laakiin sheegay in laga war sugo Isimmada SSC ee howsha gacanta ku haya, Deni waxa uu ku yiri waxaad tihiin rag soo tashadey sidaas darteed waan soo tashan, waxaana sugayaa Isimmada SSC, laakiin waa in Garaad Jaamac Garaad Cali la sugo oo dhawaan ka soo degaya magaalada Garoowe.

Ili wareedyo ayaa xaqiijiyay in Mr.Deni uu hadda si toos ah ula bareeraya damiciisi ahaa muddo kororsi laba sano ah uuna rajo ka qabo in Garaad Jaamac Garaad Cali, isagoo ka rajo dhigay Odayaasha Dhaqanka ee xalka ku jira, iyadoo Odayaasha Dhaqanka Gobolka Sool ay qabaan in la kala saaro SSC iyo Puntland isla matkaasna 2-Sano loogu kordhiyo Muddo xileedka Madaxweynaha si loo qabto Doorasho aysan ku jirin Gobolka Sool, ayna ka horeyso Shirweyne Daarood oo ay ka soo wada qeyb galaan Odayaasha Sade iyo kuwa Absame.

Waxaase su’aal ka taagan tahay Sidee ayuu wax uga beddalaya 29-Oday Dhaqameed oo reer Puntland ah oo guddoonshey in doorashadu ku dhacdo xiligeedi taasna ay tahay xalka keliya ee lagu kala badbaadayo, Sidee ayey suurtagal ugu tahay iyada oo aan dastuurka Puntland la beddelin juqraafi ahaan iyo wax wadaag in hadda uu ku dhiirado laga saaro meesha 17 xildhibaan ee beesha Dhulbahante? sidee ayuu mucaradka ugu qancin karaa in Madaxweyne Deni loo sameeyo Muddo kororsi.

Waxaase dhici karta in meel dhexe la isugu yimaado taas oo lagu sheegay nooc kale oo doorasho oo u Deni soo alifo taasoo la mid ah Nidaamkii uu ku xulay doorashadii Xildhibaanada Federalka ee kal sii horeysey uu dambiisha kuwada qaatey, taasina xal ma ahan (Faanoole Fari kama qodna).

290570cookie-checkMa Dhabaa in Mr.Deni uu ku jiro Rafashadii ugu Dembeeyay ee Damaciisa Muddo Kororsiga…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com