Farmaajo Oo Amray In La Soo Qabto Hogaamiye Degaan

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta Xoogaga Amaanka uu Mr.Farmaajo amar ku siiyay in la soo qabto Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci, kaasoo ciidamo ka amar qaata ay ciidamo Boliiska (Haram-cad) ah ku laayeen deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho….

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Amarka lagu soo xirayo Axmed Daaci uu ka soo baxay Madaxtooyada, kadib markii 10- Askari oo ka tirsan kooxda Haram-cad looga Dilay Degaanka Jasiira ee duleedka Muqdishu, lagana qabsaday tiro Askar ah iyo Gadiid dagaal.

Maleeshiyaadka hubeysan ayaa Xeebta Degaanka Jaziira ka soo dejiya Khaad Kontarbaan ah oo laga keeno dalka Kenya, ka dibna suuqa magaalada Muqdisho soo geliya, Waxaana la sheegay in Mr.Farmaajo uu culeys ku saaraay Saraakiisha Amaanka iney Joojiyaan Qaadka laga Keeno Kenya,isagoo Qandaraas ku siiyay Walaalkiis Qaadka laga keeno Ethiopia.

81210cookie-checkFarmaajo Oo Amray In La Soo Qabto Hogaamiye Degaan