Gacamey-Ka Hadal Dhex Maray 2-Wasiir

Somalia news

Macluumaad hordhac ah oo laga helay iyo wareedyo ku dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in maanta uu gacan ka hadal uu dhex maray Sii-Hayaha Xilka Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Amar Dambe iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maxamed Cali Xagaa….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Gacan ka hadalkan uu dhacay ka hor shirka Golaha Wasiirada inta aanu furmin, waxaana gacan ka hadalkan uu yimid kaddib markii ay ku murmeen arrin wasaaradda dhexdeeda ahaa oo ay isku qabteen.

Ilo wareedkaan ayaa saraakiisha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka xaqiijiyay in gacan ka hadalka uu bilaabay Wasiiru Dowlaha Mr Xagaa, Intaas kaddib Wasiir Amar Dambe ayaa la sheegay inuu shirka isaga tagay.

53890cookie-checkGacamey-Ka Hadal Dhex Maray 2-Wasiir