Ganacsatada Soomaalida Suuqa Islii Oo Ka Cabanaaya Burcad

Somalia news

Waxaa dib u soo laba kaceeyay dhibaatada iyo dhaca joogtada ah oo ay Burcad u dhalatay Dalka Kenya ay ku hayaan Dadka Rayidka ah ee Somalia ka soo jeeda kuna nool Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi Dalka Kenya, iyadoo Xoogaga Amaanka lagu eedeeyay iney ka gaabiyeen Wax ka qabashada..

Dadka cabanaya oo u badan ganacsato, ayaa sheegaya, in Kooxo abaabulan oo ku hubeysan toorreeyo iyo baangado ayaa dhaca wada, waana kuwo uu afku u xiran yahay, oo ku dhuunta ciriiriga badan ee ka jira Suuqa Islii ee magaalada Nairobi.

Soomaalida Islii ku dhaqan, ayaa hoosta ka xariiqay, in dadka dhaca geysanaya, ay ku jiraan dhallinyaro Soomaaliyeed, waxeyna qeyb ka yihiin Kooxaha burcada ah, kuwaasoo u abaabulan koox koox, taasoo culeyska iyo wel welka ku kordhineysa dadka ganacsatada ah.

Bulshada Soomaaliyeed ee ka ganacsata Islii ayaa tilmaamay, in cabashadooda ay u gudbiyeen ciidamada Boliiska ee xaafadahaas ka howl-galla, waxaana iminka socda baaritaano lagu baadigoobayo burcadii falalkaasi ka dambeysa.

163950cookie-checkGanacsatada Soomaalida Suuqa Islii Oo Ka Cabanaaya Burcad