Ajandayaasha Kulanka Jabuuti

Somalia news

Ilo wareedyo ayaa Diinah.com u tilmaamay Kulanka la filaayo inuu ka dhacdo Magaalada Jabuuti uu dhex mari doono Madaxweynayaasha Somalia Iyo Somaliland,  Qodobada la qiyaasayo oo aan wali la xaqiijin in kulankaas looga  hadli doona waxaa ka mid ah.

  1. Dib u soo noolaynta  Midnimada Gobolada Waqooyi & Koonfur ee Soomaaliya
  2. Awood Qeybsiga  Siyaasadeed sida in Madaxweynaha la siiyo Somaliland ugu yaraan 3 xili doorasho
  3. in laga wada hadlo halkii Caasimad joogta u noqon lahayd labada gobol.
  4. in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ogolaado in Magalada Hargeysa uu soo booqdo Madaxweyne Farmaajo Todobaadka xuryada ama 45 cisho gudahood
  5. In Mag dhow lacageed laga siiyo khasaarihii dagaalka (1-Bilyan US$).
  6. In uu beesha Mariixaan ka dhaqo eeda loo haysto oo ahayd iney iyagu ka dambeeyeen burburkii iyo xasuuqii ka dhacay Hargeysa.

Madaxweyne Farmaajo mudadii uu xilka haayay wuxuu cunaqabateyn noocya badan kusoo rogay Degaanada Somaliland waxaana kamid ah:-

  1. Wuxuu hor istaagay Mashaariicdii Hormarineed ee dowladaha deeqaha bixiyo ka fulin jireen somaliland .
  2. wuxuu jabiyay dhamaan heshiisyadii ay wada saxiixdeen Somalia & Somaliland shirarkii horay u qabsoomay.
  3. wuxuu Dowladaha Caalamka ku colaadiyay xiriirka ayla leeyihiin Somaliland.
  4. wuxuu kashaqeyay burburinta Dowlada Somaliland isagoo ku kicinaayo Oday Dhaqameedyada ama isku diraayo Qabaa’ilada wada dagan Gobolada Waqooyi si halkaas uu fursad uga helo ku burburin karo xukuumada Somaliland .

Waxaa la sheegayaa in Kulankaan hirgalintiisa  ay iska kaashanayaan dowladaha Jabuuti, Ethiopia, US, EU & AU, waxaana dhawaan la filanayaa inuu kasoo baxo go’aano masiiri ah  oo waji cusub u furi karaa midowga Gobolada Waqooyi & Koonfurta Somalia.

Su’aalaha la isweydiinaya ayaa ah Dhaqdhaaqa siyaasadeed ee uu bilaabay Madaxweyne Farmaajo maxaa ka run ah mise waa mid uu ku marin habaabin doono Somaliland sidii uu ololihiisa Doorashada ku quruxsan lahaa?

41590cookie-checkAjandayaasha Kulanka Jabuuti