Galmudug oo Xiisadaha Siyaasadeed Ka Taagan ay Dab ku sii Shiday & Hubeynta Beelaha…

Uncategorized

Galmudug ayaa muddo dheer la daala dhaceysay dagaalada abaabulan ee Beelaha ayaa haatan wajaheysa xaalad hubanti la’aan ah dhanka doorashada, Hogaan Jilicsan, dhaqaale xumi baahsan iyo adkeynta Amaanka, iyagoo Hogaanka Maamulka iyo Gudoonka Baarlamaanka lagu eedeeyay iney muddo dheer ka maqnaadaan magaalada Dhuusa mareeb…

Madaxweynaha Maamulka Mr.Qoqor oo muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ayaa ku sugan magaalada Mogadishu Halka Madaxweyne kuxigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Safaro dalxiis iyo dani shaqsi ay dibeda ugu maqan yihiin, waxaana lagu eedeeyay iney wax ka qaban waayeen dagaalada beelaha ee degaanada Galmudug ku soo noqnoqday, iyadoo Hubkii ay qabsadeen Maleeshiyaadka Beesha Mareexaan uu xaabo ku sii shiday xiisadii kacsaneyd ee dagaalada Beelaha.

Galmudug ayaa u muuqata mid burbur qarka u saaran kadib fashilka wax qabad la’aanta Hogaanka ee xalinta dagaalada doo noqnoqday ee Beelaha, Dilalka la xiriira aanooyinka, khatarta ay Kooxaha Shababka iyo kuwa Burcad badeedka ku hayaan Amniga gudaha iyo Amaanka Maraakiibta Badda marta, kuwaasoo khatar ku ah jiritaanka Maamulka Galmudug loona baahan yahay in xiligaan adag loo helo isbedel.

336280cookie-checkGalmudug oo Xiisadaha Siyaasadeed Ka Taagan ay Dab ku sii Shiday & Hubeynta Beelaha…