Ururo Siyaasadeed oo Digniino ka soo Saaray Furista Dooda Dastuurka iyo Muddo Kordhinta..

Uncategorized

Inkastoo aan weli xal waara laga gaarin muranka hareeyay Wax ka bedelka Dastuurka iyo Doorashada 8-da Jenaayo ee 2024-ka, kaasoo u dhax taagan Maamulka Deni iyo Ururada Siyaasada qaarkood (Horseed & Mideeya), hadana waxaa lagu wadaa iney Hogaamiyayaasha Siyaasada, Odayaasha Dhaqanka ay Kulan wada tashi ka yeeshaan…

Qoraalo ay soo saareen Xisbiyada Mideeye & Horseed ayeey kaga digeen in koox dano gaar ah wata (Maamulka Deni) ku furto Dastuurka Puntland, muddo kordhina ku hois duugan kaasoo xiligaan la horgeeyay hindise sharciyeedkiisu horyaallo kalfadhiga Golaha Wakiilada Puntland, iyadoo Urur siyaasadeedka Horseed ayaa si rasmi ah uga horyimid dano gaar ah dartood loo furo Dastuurka, ansixinta muddo kordhinta iyo marxaladda siyaasadeed ee Puntland.

Ururadaan ayaa sidoo kale ugu baaqay Xildhibaannada Baarlamanka Puntland in aysan ku dhex milmin siyaasadda kana fogaadan tallaabo kasta oo horseedi karta xasilooni-darro, Horseed ayaa sidoo kale caddeeyay in doorashada madaxtinimada Puntland aysan dhaafi karin 8-Jan-2024 si waafaqsan hannaanka doorasho ee Puntland.

261240cookie-checkUruro Siyaasadeed oo Digniino ka soo Saaray Furista Dooda Dastuurka iyo Muddo Kordhinta..